Home » Ciyaaraha » Man Utd oo ku dhaw caawa Pogba & Mourinho oo doonaya inuu ka dhigo saxiixiisa labaad

Man Utd oo ku dhaw caawa Pogba & Mourinho oo doonaya inuu ka dhigo saxiixiisa labaad
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 8-06-16 7:24 PM

Manchester United ayaa haatan hogaaminaya tartanka loogu jiro saxiixa Paul Pogba ka dib markii Manchester City ay go’aansatay in ay isaga harto xiddigan, sida laga soo xigtay The Guardian

Pep Guardiola ayaa xiiseynayay xiddiga Juventus inuu u dhaqaajiyo garoonka Etihad Stadium lakiin hadda waxaa uu muujiyay inuu ka kaaftoomay, taasoo ka dhigeysa Jose Mourinho kooxdiisa in ay ugu cadcadahay,

Mourinho ayaa isku dayay inuu lasoo wareego Pogba xagaagii lasoo dhaafay, lakiin hadda ayuu u edeegsan doonaa madaxa fulinta United Ed Woodward.

Pogba ayaa la filayaa inuu ku kici karo £ 65,million haddii United uu imaanayo, kooxda ayaana iska fasaxday xidigan hore isagoo 19-sano jir ah sanadkii 2012,