Home » Ciyaaraha » Man Utd oo rabta in Julian Draxler lagu dhiso Old Trafford

Man Utd oo rabta in Julian Draxler lagu dhiso Old Trafford
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 19-06-16 3:09 PM

Tababaraha cusub ee kooxdda Man United, Jose Mourinho ayaa lagu soo waramaya inuu xiiseynaayo inuu soo qaato Julian Draxler.

Jariirada Bild ee kasoo baxda Jarmalka ayaa sheegtay in Mourinho uu rabo inuu Wolfsburg lacag xoogleh ka siiyo xidigaan.

Xiddiga caalamiga ah ee xulka Jarmalka oo ka mid ah safka dalkiisa ee Euro 2016 ayaa noqon kara awood cusub oo kusoo korarta Old Trafford

Wolfsburg oo horey u lumisay Kevin De Bruyne oo ku biiray Manchester City goor hore ayaa la aaminsan yahay iney hadana aqbali karto iney iibiso xiddigaan laakiin waxaa la hubaa ineysan aqbali doonin qiimo yar.

Gudoomiyaha kooxdda Wolfsburg ayaa sheegay iney xidigaan ku rabaan labo u jibaar lacagtii ay kasoo bixiyeen , xiddigaan ayey kusoo iibsadeen £25.5 million isagoo ka yimid Schalke.

Jose Mourinho waxaa ka go’an inuu dhiso koox awoodleh waxaana uu madaxda Man United u sheegay iney aqbalaan qiimaha lagu rabo xidigaha bartilmaameedka u ah.