Home » Ciyaaraha » Manchester City Oo Qarka U Saaran Inay Gacanta Kusoo Dhigto Xiddiga Qadka Dhexe Ee Real Madrid Toni Kroos

Manchester City Oo Qarka U Saaran Inay Gacanta Kusoo Dhigto Xiddiga Qadka Dhexe Ee Real Madrid Toni Kroos
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 19-06-16 6:56 AM

Tababaraha Manchester City Pep Guardiola ayaa lagu soo waramayaa inuu ku dhow yahay inuu ku qanciyo xiddiga qadka dhexe ee kooxda Real Madrid Toni Kroos inuu usoo dhaqaaqo kooxda ka dhisan Etihad Stadium.

Xiddiga Real Madrid ayaa lagu soo xan waramayey inuu bartilmaameedka ugu weyn u yahay Citizens iyadoo tababaraha reer Spain Guardiola uu isha ku hayo inuu dhiso koox Man City ah oo ku guuleysan karta koobka horyaalka England Premier League.

Si kastaba ha ahaatee, wargeyska Daily Star Sunday ayaa caddenaya inuu xiddiga heerka caalami ee dalka Germany Kroos wadahadallo shaqsi ah la yeeshay Man City iyagoo kala hadlay suurtogalnimada ah inuu usoo dhaqaaqo horyaalka Premier League ka dib dhammaadka ciyaaraha Euro 2016.

Tababare Guardiola ayaa rajeynaya inuu ka dhabeeyo riyadiisa ah inuu dhiso qadka dhexe oo muuqaal cusub leh oo Man City ah kaasoo ay ka wada ciyaari doonaan Kroos iyo xiddiga ay isku dalka yihiin Ilkay Gundogan.

Dhanka kale, Man City ayaa lagu soo waramayaa inay qarka u saaran tahay inay ku garaacdo deriskeeda Manchester United saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara Schalke 04 ee Leroy Sane.