Home » Ciyaaraha » Manchester United In Jidkii Fergie Uu Kusoo Celiyo xilli ciyaareedka soo socda Ayuu Balan Qaaday Jose Mourinho , Haddaba Miyay Suurto Gal Tahay ? Maxaase Caqabad Ka Hor Imaan Kara?

Manchester United In Jidkii Fergie Uu Kusoo Celiyo xilli ciyaareedka soo socda Ayuu Balan Qaaday Jose Mourinho , Haddaba Miyay Suurto Gal Tahay ? Maxaase Caqabad Ka Hor Imaan Kara?
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 30-06-16 6:13 AM

Jose Mourinho ayaa u balan qaaday taageerayaasha in Manchester United uu kusoo celin doono waayihii Fergie, ka dib markii uu la wareegay shaqada kooxdan.

Tababaraha cusub ee Manchester United Mourinho ayaa doonaya inuu dhiso koox leh falsafad weerar oo la isku haleyn karo tasoo lamid ah kooxdii Sir Alex Ferguson.

Special One ayaa kala hadlay ciyaartoyda waa weyn ee United sida Wayne Rooney, David De Gea iyo Michael Carrick qorshihiisa xilli ciyaareedka soo socda.

Mourinho ayaa cadeeyay in ay ilaawi doonaan taageerayaasha wakhtiigii xanuunka badnaa ee soo maray.

David Moyes ayaa Manchester United ku fashilmay markii uu shaqada kala wareegay Fergie xilli ciyaareedkii 2012-2013.

Mourinho ayaa meesha ka saaray cabsi laga qabay Styl-kiisa ciyaaraha oo aheyd in kooxda uu ku hogaaamiyo falsafad dhanka daafaca ah oo lamid ah kii Chelsea looga bartay,

Macalinka 53-sano jirka ah ayaa sidoo kale telefoon kula hadlay dhamaan ciyaartoyda isagoo ku wargeliyay mid kasta in uu muhiim u yahay kooxda.

Waa fariin cad oo ay ku farxi doonaan taageerayaasha United oo doonaya in maalmahii wanaagsanaa iyo marxaladii Fergie dib ay u arkaan

Ninka Scotland ayaa ku guuleystay 38 koob 26 sano oo uu joogay kooxda, waxaa kujiray labo koob oo Yurub ah, Mourinho ayaana doonaya in uu dhiso tariikh dhaxal gal u ah kooxda Manchester United.