Home » Ciyaaraha » Manchester United Iyo Xiisaheedii Ku Aadanaa Saxiixa Bale Maxaa Ka Cusub??? (Warbixin Ayaan Idinkaga Wadnaa)

Manchester United Iyo Xiisaheedii Ku Aadanaa Saxiixa Bale Maxaa Ka Cusub??? (Warbixin Ayaan Idinkaga Wadnaa)
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 11-06-16 9:38 AM

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay qarka u saaran tahay inay dalab 94.6 milyan oo ginni ah ka gudbiso weeraryahanka kooxda Real Madrid Gareth Bale, waana lacag rikoor cusub u dhigi doonta suuqa kala iibsiga ciyaartoyda adduunka.

26 sanno jirkaan ayaa dhowr sanno lala xiriirinaayey kooxda Red Devils, gaar ahaan tan iyo markii uu ku biiray Los Blancos, laakiin kooxda ka dhisan Old Trafford ayaa iska dhaadhicisay inuu waqtigaani yahay midka ugu macquulsan ee ay soo xerogelin karto xiddigaan.

Sida laga soo xigtay shabakadda reer Spain ee El Confidencial, xiddiga heerka caalami ee dalka Wales ayaa isha ku haya inuu dib ugu laabto horyaalka England Premier League ka dib seddax sanno oo uu ku qarash gareeyey horyaalka Spain ee La Liga.

Man United ayaana dooneysa inay kula soo wareegto adduun lacageed dhan 94.6 milyan oo ginni, si kastaba ha ahaatee, Real Madrid ayaa laga yaabaa inay ku gacan seyrto qorshahaan maadaama ay seddax sanno ka harsan yihiin qandaraaska xiddigaan garabka ka ciyaara.

Bale ayaa sidoo kale ah xiddiga uu kooxda ugu jecel yahay madaxweyne Florentino Perez, kaasoo aan dooneyn inuu lumiyo ciyaaryahankii ugu qaalisanaa taariikhda kooxdaan.