Home » Ciyaaraha » Manchester United oo £30million Naadiga Villarreal kana qaadanaysa daafaceeda birta ah ee Eric Bailly

Manchester United oo £30million Naadiga Villarreal kana qaadanaysa daafaceeda birta ah ee Eric Bailly
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 5-06-16 7:26 AM

Kooxda Kubada Cagta Manchester United ayaa lasheegayaa in ay Gabo Gabo u tahay Heshiiska ay Naadiga Villarreal Kaga qaadanayso daafaceeda birta ah ee lagu Magacaabo Eric Bailly.

Manchester United ayaa Laxaqiijiyey in ay diyaar latahay Lacag dhan £30million Taas oo ay ku qaadanayso Cayaaryahanka daafaca Wanaagsan ah ee Eric Bailly Waxaana lasoo Gaba gabayn doonaa Heshiiska sida lasheegay Goordhow.

Cayaarayahankaan oo u dhashay dalka Ivory Coast ayaa waxaa si weyn u doon doonayey kooxaha Bayren Munich iyo Arsenal balse Macalinka Cusub ee Manchester United Jose Mourinho ayaa u arka in uu yahay daafac ku haboon Naadigiisa.