Home » Ciyaaraha » Manchester United Oo Isha Ku Heysa Inay Uga Adkaato Chelsea Saxiixa Daafaca Kooxda Juventus Leonardo Bonucci

Manchester United Oo Isha Ku Heysa Inay Uga Adkaato Chelsea Saxiixa Daafaca Kooxda Juventus Leonardo Bonucci
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 19-06-16 7:00 AM

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay indhaha ku heyso inay lasoo wareegto daafaca dambeedka dhexe ee kooxda Juventus iyo xulka qaranka Italy Leonardo Bonucci xagaagaan.

Red Devils ayaa durba lasoo saxiixatay daafac dambeedka dhexe ka ciyaara waana Eric Bailly oo uga soo biiray kooxda Villarreal balse tababaraha cusub ee kooxda Jose Mourinho ayaa isha ku haya inuu dib u dhis ku sameeyo Man United si ay ugu tartanto hanashada koobab waa weyn xilli ciyaareedka soo aadan.

Sida laga soo xigtay wargeyska Daily Star Sunday, Mourinho ayaa isha ku haya inuu daafaca dambeedka dhexe ee Man United kusoo kordhiyo difaac khibrad leh, 29 sanno jirkaan Bonucci ayaana ula muuqda dooqa ugu habboon.

Si kastaba ha ahaatee, Man United ayaa laga yaabaa inay tartan ku aadan saxiixa daafacaan kala kulanto Chelsea iyo tababarahooda cusub Antonio Conte, kaasoo Bonucci kusoo maamulay Juventus, daafacaan ayaana haatan xulkiisa Italy kala qeybgelaya ciyaaraha Euro 2016.

Manchester City ayaa sdioo kale la sheegayey inay xiiso u qabtay daafacaan dambeedka dhexe ee Juventus, laakiin waxay saxiixeeda ugu muhiimsan ee daafaca dambeedka dhexe u calaameysatay ciyaaryahanka Everton John Stones, oo 22 sanno jir ah.