Home » Ciyaaraha » Mario Balotelli Oo Ku Riyoonaya Inuu Ku Guuleysto Ballon d’Or, Balse Dareensan In Dadka Ku Qosli Doonaan Hadalkiisa, Muxuuse Ka Yiri In Laga Reebay Euro 2016?

Mario Balotelli Oo Ku Riyoonaya Inuu Ku Guuleysto Ballon d’Or, Balse Dareensan In Dadka Ku Qosli Doonaan Hadalkiisa, Muxuuse Ka Yiri In Laga Reebay Euro 2016?
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 2-07-16 12:17 PM

Weeraryahanka kooxda Liverpool Mario Balotelli ayaa wali rajeynaya inuu ku guuleysto abaalmarin shaqsiyadeed xilli xidigaan laga reebay ciyaartoyda xulka qaranka Azzurri u matalaya koobka Euro 2016.

Mario Balotelli ayaa noqday wiil si fiican u hana qaaday bilowgiisii kubadda cagta waxeyna dad badan oo talyaani ah ka filanayeen inuu noqon doono mid ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican markii ay eegeen xirfadaha dabiiciga ah oo uu leeyahay iyo sidoo kale qaab kubadiisa, balse dabeecado qalafsan oo uu la yimid ayaa ka hor istaagay inuu wax walba gaaro.

Mario xagaagii ugu dambeeyay wuxuu amaah ugu ciyaaray Milan oo ugu dambeyn isaga celisay kooxdiisa Liverpool inkastoo aan la ogeyn sida uu Jurgen Klopp wiilkaan boos ugu heli doono.

“Wax igu filan ma sameynin sanadahii ugu dambeeyay. waan sameyn karaa wax ka fiican. balse waqti ayey qaadaneysaa. cabirka hal ilaa 10. kaliya waxaan gaari karaa shan. balse waan heli karaa 10 ugu dambeyn, sababtoo ah waa hamigeyga” Ayuu Balotelli u sheegay Corriere della Sera.

“Waxaan doonayaa inaan ku guuleysto Ballon d’Or. Inkastoo aan rumeysanahay inaan labadii sano ee ugu dambeeyay helay qiimeyn Shan, tobankii. marka uu ku dhawaado hamigeyga 10. Waan ogahay dad badan iney qosli doonaan marka aan iri waxaan doonayaa inaan ku guuleysto Ballon d’Or. Wali ma aanan sameynin wax walba oo looga baahnaa inaan ku noqdo mid fiican”

 

Super Mario Balotelli Muxuu Ka Yiri in laga reebo liiska ciyaartoyda talyaaniga ee ka qeyb galaya Euro 2016.

“Dabcan, waan ka qoomameynayaa inaan ka qeyb galin Euro 2016. waan jeclaan lahaa inaan halkaas ahaado” Ayuu yiri Mario.

“Conte wuu dooran lahaa Balotelli-ga dhabta ah. balse Balotelli-ga hadda uma qalmo inuu halkaas aado. Labadii sano ee lasoo dhaafay ma aanan aheyn mid ku sugan heerkiisa. waxaan qabay dhibaato dhanka jirka ah iyo arimo kale. ma aheyn kii dhabta ahaa”

“Conte wuxuu doortay ciyaartoy kale. waxaan sameyn lahaa wuxuu sameeyay hadii aan isaga ahaan lahaa”