Home » Ciyaaraha » Mario Gotze Oo La Sheegay In Laga Saarayo Liiska Champions League Ee Bayern Munich & Kooxda Oo Jawaab Carro Leh Ka Bixisay.

Mario Gotze Oo La Sheegay In Laga Saarayo Liiska Champions League Ee Bayern Munich & Kooxda Oo Jawaab Carro Leh Ka Bixisay.
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 15-06-16 9:26 PM

Gudoomiyaha kooxda Bayern Munich Karl-Heinz Rummenigge ayaa meesha ka saaray wararka sheegaya in kooxda ay isku dayayso inay Mario Gotze iska fogeyso isagoo qiyaali ku tilmaamay wararkaas, waxaana uu ku hanjabay inuu talaabo sharci ah ka qaadi doono cid walba oo eedeymahaas soo jeedisa.

Saxaafada Jarmalka ayaa maanta sheegtay in 24 jirkaan Jarmalka oo haatan ka qeybgalaya Euro 2016 in laga saari doono kooxda Champions League ee Bayern Munich haddii uu xagaagan sii joogo Allainz Arena.

Bayern ayaana si carro leh uga jawaabtay wararkaas, iyadoo Rummenigge uu u sheegay website-ka kooxda: “Waxaan waa qiyaali.

“Waxaan iska difaaci doonaa dhamaan beenta iyo wararka halista ah ee la warinayo anagoo isticmaaleyna taalabooyinka sharciga ah ee aan awoodno”

 

Kooxda ayaa sidoo kale soo saartay warbixin ay ku taageereyso hanjabaada Rummenigge.

“Waxaa la sheegay in FC Bayern ay u hanjabtay Mario Gotze iyagoo sheegay inaan lagu dari doonin liiska Champions League haddii uu kooxda sii joogo” ayay tiri Bayern.

“FC Bayern Munich waxa ay dalbaneysa in qeybaha kala duwan ee saxaafada inay meesha ka saaraan oo ay masaxaan wararka beenta ah ee ay tabinayaan.”