Home » Ciyaaraha » Martin Skrtel oo Middlesbrough £ 6 million ugu dhaqaaqaya

Martin Skrtel oo Middlesbrough £ 6 million ugu dhaqaaqaya
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 1-06-16 6:59 AM

Middlesbrough ayaa diyaar u ah in ay Martin Skrtel fursad uu kusii joogo ciyaaraha Premier League ay siiyaan xili ciyaareedka dambe.

Daafaca dhexe ee kooxda Liverpool ayaa qarka u saaran inuu ka tago Anfield xagaagan iyadoo lacag dhan £ 6million, kooxaha dibada ka dhisan looga iibin karo.

Laakiin Aitor Karanka oo ah tababaraha dhawaan kooxda usoo dalacday Premier League Middlesbrough ayaa diyaar u ah in 31-sano jirkaan kooxdiisa qiimahaasi ku rabto.

kooxda Turkiga ee Besiktas ayaa muujisay xiisaha ay u qabtay daafaca Slovakia, sida laga soo xigtay wakiilkiisa Karol Csonto.

Sven-Goran Eriksson ayaa sidoo kale eegaya madaama uu seegay John Terry inuu xiddigan geeyo kooxda shinaha ee Zhang Linpeng.