Home » Ciyaaraha » Marwada talyaaniga Juventus oo daafac ka doneyso kooxda Bayern Munich .

Marwada talyaaniga Juventus oo daafac ka doneyso kooxda Bayern Munich .
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 8-06-16 8:10 AM

Kooxda Juventus ayaa doonaysa in ay hesho Daafaca dhexe ee kooxda Bayern Munich Mehdi Ben Attia  inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan si ay ugu xoojiyaan kooxda Xilli ciyaareedka dambe.

Sida laga soo xigtay Sky Sport maamulka kooxda Juventus ayaa ka shaqayn doona sidii ay ku heli lahaayeen adeega Ben Attia iyaga oo doonaya in ay si amaah ah ku helaan xiddigan.

Imaanshiyaha daafaca Mats Hummels ayaa laga yaabaa in kooxda Bayern Munich u ogolaato in xiddigani si amaah ah uga tago kooxda Xagaagan.

Mehdi Ben Attia ayaa ku biiray kooxda Bayern Munich xagaagii 2014 kadib markii uu soo bandhigay qaab ciyaareed aad loola dhacay laakiin xiddigan ayaan xilli ciyaareedkan qaab ciyaareedkiisu hoos u dhacay taas ayaan ku kalifay kooxda Bayern in ay la soo saxiixato daafa Mats Hummels.