Home » Ciyaaraha » Masiibo iga dheh Russia oo diiday in sedexda dhibcood ka qaataan England DAAWO GOOS GOOSKA IYO SAWIRADA…

Masiibo iga dheh Russia oo diiday in sedexda dhibcood ka qaataan England DAAWO GOOS GOOSKA IYO SAWIRADA…
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 12-06-16 5:56 AM

Waxaa masiibo ah adigoo ciyaar fiican weerar, difaac iyo isfaham idiinka dhaxeeyo hal weerar oo laguugu soo qaado gool halagaaga dhaliyo England ayaan caawa ka baranay, waxaan gool barbaro ah laga dhaliyey daqiiqadii 92-aad.

Waxaa caawa fooda is daray xulalka guruubka B-da oo ay England iyo Russia kuwada jiraan waxayna soo bandhigeen ciyaaro la jecleysto waliba xulka England ayaa la dhihi karay is fahamkooda iyo isku dhiibkooda aad buu usareeyey mana jirin qal qal la galiyey mar qura xitaa labada qeyb ee ciyaarta.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala baxay 0 – 0, laakin England ayaa lumiyey fursado dhowr ah halka Russia aysan marna weerar la sheegi karo aysan qaadin.

Isu soo laabadkii ayaa England waxay heleen laad xor diilinta 18-aad agagaarkeeda waxaana darbad xoog badan shabaqa guntiga u dhigay Wiilka qadka dhexe ugu ciyaara kooxda Tottenham Dier ciyaartana ka dhigay mid dhan u janjeerta.

Tababare Hodgson ayaa badal kusameeyey kabtan Wayne Rooney balse maxaa ka raacay daqiiqadii 92-aad waa xiliga daqiiqadaha dheeriga ayaa loogu shubay 1 – 1 ayayna ciyaarta noqotay.

Kabtanka xulka Russia Vasili Berezutski oo madaxa la helay ayay mahad gaar ah ugu hayaan goolka guusha u dhigma ee Russia ay caawa barbaraha aan la fileyn kaga heshay dhigooda England.

Guruubka B-da oo ayaa waxaa 3 dhibcood ku hogaaminaya Wales oo galabta 2 – 1 isaga reebtay Slovenia halka England iyo Russia ay min dhibic leeyihiin.

HALKAAN HOOSE KA DAAWO GOOS GOOSKA 

Eng7

Eng6

Eng5

Eng4

Eng3

Eng2

Eng1

Eng