Home » Ciyaaraha » Maxaa ku qoran warqada uu Jose Mourinho u diray ciyaartoyda Kooxdiisa Manchester United

Maxaa ku qoran warqada uu Jose Mourinho u diray ciyaartoyda Kooxdiisa Manchester United
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 17-06-16 11:08 AM

Macalin Jose Mourinho ayaa la xiriiray dhamaan ciyaartoydiisa kooxda Manchester United inkastoo qaarkood ayba ka quusteen nolosha garoonka Old Trafford madama saxaafaddu ay buun-buunisay warar ka dhan ah ciyaartoydaas, balse wax walba waxaa soo afjaray macalinka reer Portugal.

Special One  xiriirka uu la sameeyay dhamaan ciyaartoyda Man United wuxuu ugu sheegay in qof walba oo ka tirsan kooxda Red Devils uu heli doono fursad uu ku muujiyo awoodiisa kulamada fasaxa taasoo farxad u ah xidig walba oo kooxda ka tirsan.

Mourinho ayaa fariin u wada diray ciyaariyahan walba oo kooxda ah isagoo u sheegay inuusan qofna xukmin doonin ilaa uu arko qaabka uu qof walba u ciyaarayo.

Ciyaartoyda fariimaha loo diray waxaa ka mid ah Juan Mata oo aan hami badan ka laheyn inuu lasii shaqeyn doono Jose madama uu 2014 kasoo buriyay Chelsea, balse waa warbixin niyad galisay xidiga reer Spain.

Si kastaba waxaa jirta tiro ciyaartoy oo ay farmuuqeen saxaafadda kuwaas oo laga raacdeyn doono Old Trafford sida: Bastian Schweinsteiger, Marouane Fellaini, Matteo Darmian iyo Memphis Depay, madama Spacial One uu doonayo inuu badalo qaabka kooxda.

Manchester United ciyaartoydeeda waxey tababarka imaan doonaan 7-da July, waxeyna xerada tababarka AON Training Complex joogi doonaan mudo 10-maalmood ah ka hor inta aysan aadin bariga fog.

Mourinho kulankiisa ugu horeeya wuxuu magaalada Shanghai kula ciyaari doonaa Dortmund 22-ka July, ka hor inta uusan 25-ka July la kulmin ninka ay xifaaltamaan ee Pep Guardiola kulan ka dhici doona Beijing.