Home » Ciyaaraha » Maxaa Laga yiri Go aanadii uu qaatay Garsoore Felix Brych kulankii darbiga ahaa ee England iyo Wales+Sawiro

Maxaa Laga yiri Go aanadii uu qaatay Garsoore Felix Brych kulankii darbiga ahaa ee England iyo Wales+Sawiro
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 16-06-16 10:35 PM

Kadib kulankii aadka u adkaa ee loogu Magacdaray all-British darbi ayaa waxaa soo baxayey Tabashooyin kala duwan oo lagu dhaleeceynayo Garsoorihii Cayaartaas oo ah Nin u dhashay dalka Jarmalka kaas oo lagu Magacabo Felix Brych.

Cayaartoyda Xulka Wales ayaa aad uga dagaalamay Goolkii bareejada ahaa ee uu dhaliyey Weeraryaahnka dalka England ee Jamie Vardy’ Goolkaas oo ay u arkayeen in uu ahaa Garab dhaaf sidoo kale Wale Waxa ay doonayen in loo dhigo Rigoore uu galay Dele Alli kadib Kubada uu Gacan ku taabtay isaga oo kujira Xerada Ganaaxa.

Sidoo kale Wales Waxa ay doonayeen loo dhigo Rigoore lagu lagalay Cayaaryahankooda Johnny Williams’kadib Taabsho qafiif ahayd oo uu taabtay Chris Smalling.balse intaas oo dhan Waxba kama soo qaadin Felix Brych.

Hadaba Markii dalka Wales ay Warbaahinta aad u dhaleeceen Garsoore Felix Brych ayaa Waxaa sheekada biyo qaboow ku shubay Madaxa Garsoorayaasha Xiriirka UEFA Pierluigi Collina kaas oo ah Nin caan ku ah Runta iyo dhex dhexaadnimada waxaana uu amaan kala duldhacay Garsoorihii Cayaarta isaga oo sheegay in dhamaan Go aanadii uu qaatay ay ahaayeen kuwo Sax ah wuuna uga Mahad celiyey Garsooraha xirfadiisa Wanaagsan.