Home » Ciyaaraha » Maxaa Sababay Iney Jeex Jeexmaan Funaanadaha Xulka Switzerland Xalay ? Shirkadda PUMA Oo Ka Jawaabtay Arintaan

Maxaa Sababay Iney Jeex Jeexmaan Funaanadaha Xulka Switzerland Xalay ? Shirkadda PUMA Oo Ka Jawaabtay Arintaan
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 20-06-16 8:53 PM

Xherdan Shaqiri ayaa kaftan xanuun badan ku tuuray shirkadda qalabka Sportiga sameysa ee Puma kadib markii ay xalay fashilmeen xili ay jeexmeen 4 ka mid ah funaanadaha xidigaha xulka Switzerland.

Kadib ciyaartii xalay ee bar bar dhaca ku dhamaatay ayuu laacibkaan ku qoray Twitter-ka “Waxaan rajeyneynaa in wax soo saaran qariban aysan aheyn Puma”

Puma ayaa war kasoo saartay arintii xalay wuxuuna u qornaa sidan

Puma waxaa ay shaacineysa galabta raali galin ay u direyso Switzerland kadib dilaacii xalay ee funaanadaha xulka Switzerland.

Shirkaddan Sports waxaa ay si dhaqso leh u bilaawday baaris ku aadan wixii sababay iney si fudud ku dilaacaan funaanadaha xulka Swiss-ka ciyaartii Euro ee Swiss vs France.

Waxaan ilaa hada ogaanay iney jirto kiimiko qaldan oo loo isticmaalay funaanadahaas ,waxaan dhihi karaa horey ayey u ciladeysanayeen waana taas sababta keentay iney badi dilacaan.

Shirkaddu kama walaacsana tayada qalabkeeda, waxaan sheegi karnaa inaan dharka u sameyno Austria, Czech Republic, Italy, iyo Slovakia oo ka qeyb galaya Euro 2016 dhamaana waxaa ay heystaan dhar tayo badan leh.

PUMA waxa ay xaqiijineysa in laga fiirsan doono qaladkaan oo kale mustaqbalka.