Home » Ciyaaraha » Maxay Aheyd Sababtii Uu Xalay U Ilmeeyay Dimitri Payet Kadib Goolkii Uu U Dhaliyay France ? Thiery Henry Oo Ka Sheekeeyay Si Dadbana U Weeraray Macalinka Xulka France

Maxay Aheyd Sababtii Uu Xalay U Ilmeeyay Dimitri Payet Kadib Goolkii Uu U Dhaliyay France ? Thiery Henry Oo Ka Sheekeeyay Si Dadbana U Weeraray Macalinka Xulka France
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 11-06-16 8:44 AM

Thierry Henry ayaa amaan ugu qubeeyay Dimitri Payet isagoo sheegay in sababta uu u ooyay xidiga West Ham kadib goolkiisii cajiibka ahaaa ee xalay ay cadeyn u tahay dareenkiisa ku aadan inaan xulko loogu yeerin koobkii aduunka ee 2014 ee ka dhacya Brazil.

Payet ayaa ahaa xidiga ugu fiican France wuxuuna shabaqa soo taabtay daqiiqadii 89 aad sidoo kale wuxuu caawiyay goolkii Giroud kulankii ka dhacay Stade de France.

Henry ayaa yiri “Wuxuu mooday inuu aadayay koobkii aduunka ee Brazil. wuxuu ku lu lahaa kulan waliba oo isreebreebka ahaa, kadibna lama soo xulan, sidaasi darteed waxaa caawa arkeyseen in ninkaan garoonka lagu dhibaateeyay” ayuu Henry u sheegay BBC ciyaarta kadib.

“Waa nin jecel inuu matalo qarankiisa, wuxuu yiri markii laga tagay koobkii aduunka ee Brazil “Waad iga tagteen laakin waxaan idin tusi doonaa waxa aan idiin kala maqanahay” wuxuu yimid Premier League si loo ogaado tayadiisa, wuxuu doonayay inuu midaasi muujiyo caawo, wuxuu doonayay kubad waliba, kubad waliba” ayuu ku daray xidigii hore ee Arsenal.

Payet

“Marwaliba uu wax wanaagsan sameeyo waa in lagu abaalmariyaa, koox ayuu ku jiraa ciyaartana kaligiis ma go`aamin karo, goolkiisiina.. Oh, Alla muxuu ahaa!!.

“Waxa laga dilay riyadiisii aheyd inuu matalo wadankiisa waliba koobka aduunka, taasi waa riyada canug waliba laakin marka si aan sax aheyn lagaaga dilo riyadaas, laakin haatan ma jirto cid dili karto riyadiisa, wuxuu ahaa mid aan caadi aheyn, ma aha kaliya qaabka uu u ciyaaray, ma aha kaliya xirfadiisa, ma aha kaliya shaqadii uu qabanayay, laakin hamiga uu u leeyahay inuu shaqeeyo, wuxuu ahaa ninka dhaqaajinayay xulka”.