Home » Ciyaaraha » Michael Carrick oo Saxiixay heshiis Cusub kadib Markii ay Tilifoon kuwada hadleen Jose Mourinho

Michael Carrick oo Saxiixay heshiis Cusub kadib Markii ay Tilifoon kuwada hadleen Jose Mourinho
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 3-06-16 2:34 AM

Cayaaryahanka khadka dhexe Manchester United uga dheela ee Michael Carrick ayaa lasheegayaa in uu hal Sano oo heshiis ah lagaaray Naadigiisa kadib markii ay Tilifoon kuwada hadleen isna fahmeen Macalinka Cusub ee Jose Mourinho.

Michael Carrick ayaa lasheegayaa in uu qalinka dul dhigi doono Waraaqada Todobaadka soo socda Marka uu ka soo laabto Xili Gaaban oo fasax ah waxaana uu aqbalay heshiiska markii Jose Mourinho u sheegay in uu muhiin u yahay Kooxdiisa uuna dheeli doono kulamo badan.

Xidiga dalka England oo hada 34 jir ah ayaa waxaa laysla dhex maraayey in uu Macasalaameyn doono mudo dheer ka dib Garoonka Old Trafford balse waxaa xaqiiq ah in uu sii joogi doono,