Home » Ciyaaraha » Mid kamid ah kooxaha ugu tunka weyn horyaalka Serie A da oo dooneysa macalinkii hore ee Man United

Mid kamid ah kooxaha ugu tunka weyn horyaalka Serie A da oo dooneysa macalinkii hore ee Man United
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 20-06-16 11:21 AM

Kooxda ka dhisan gegida San Siro ee AC Milan  ayaa xiiso u qabta inay xilkeeda tababarenimo u magacawdo macalin Louis van Gaal, sida laga soo xigtay wargeyska ugu carabka dheer dalka Talyaaniga La Gazetta dello Sport.

64 sanno jirkaan, oo laga ceyriyey shaqada kooxda Manchester United ka dib laba sanno oo uu ku qarash gareeyey Old Trafford, ayaa lagu soo waramayaa inuu ku jiro liiska tababareyaasha ay baadigoobeyso Rossoneri.

Xiddigii hore ee qadka dhexe ee Milan Christian Brocchi ayaa kooxda ka dhisan San Siro hogaanka u qabtay bishii April ee sannadkaan ka dib markii ay raacdeysay tababare Sinisa Mihajlovic, laakiin wuxuu ku guuldarreystay inuu kaalin fiican ka gaarsiiyo horyaalka Serie A halka ay Juventus ka qaaday Coppa Italia taasoo sabab u noqotay in isagana shaqada laga raacdeeyo.

Van Gaal iyo tababarihii hore ee kooxda Manchester City Manuel Pellegrini ayaa haatan ka mid ah liiska tababareyaasha ugu cadcad inay qabtaan xilka tababarenimo ee Milan, oo ay dhowaan iibsadeen maalgashadeyaal u dhashay dalka China.