Home » Ciyaaraha » Mishiinka kooxda Chelsea Eden Hazard oo markii ugu horeysay ka hadlay arinta macalinkiisii hore ee Jose Mourinho

Mishiinka kooxda Chelsea Eden Hazard oo markii ugu horeysay ka hadlay arinta macalinkiisii hore ee Jose Mourinho
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 14-06-16 9:00 AM

Xidiga kooxda Chelsea Eden Hazard ayaa ka dhawaajiyey inuusan marna dooneyn in shaqada kooxda Chelsea laga raacdeeyo macalin Jose Mourinho, kaas oo dhamaadkii sanadkan laga soo ceyriyey kooxda ka dhisan Stamford Bridge.

Macalinkan u dhashay dalka Portugal ayaa goor dhaw loo magacaabay xilka macalinimo ee kooxda Man United, kadib markii laga soo ceyriyey shaqada kooxda Chelsea bishii December ee sanadkii hore.

Wararka kasoo baxayey gudaha magaalada London ayaa sheegayo in qaar kamid ah ciyaaryahanada kooxdaas ay sameeyeen kacdoon ka dhan ah macalin Mourinho kacdoonkaas ayaana sabab u noqday in Macalin Mourinho lagasoo eryo shaqada kooxda Blues ka.

“Dadka waxa ay ka dhihi karaan waxa ay doonaan xiriirka aniga iyo isaga inaga dhaxeeyo” Hazard ayaa sidaas u sheegay L’Equipe

“Dhibaatada inaga dhaxeysa aniga iyo isaga waxa ay timid markii ay kubadeyda hoos u dhaca ku yimid”.
“Balse xaqiiqda marka aan ka hadlo maanan dooneyn in Jose laga ceyriyo kooxda, waayo waxa aan isla soo marnay xusuuso aad u weyn sanadkii 2015 ka, sanadkan ma eysan inoo aheyn mid wanaagsan, wan kasoo kabtay aniga kubadeydana waxa ay kusoo laabatay heerkeedii” Hazard ayaa intaas hadalkiisa sii raaciyey

Ugu dambeyntii waxaa xusid mudan in macalinka u dhashay dalka Talyaaniga Antonio Conte uu imaan doono Stamford Bridge isaga oo shaqada kooxdaas si rasmi ah ula wareegi doona marka uu soo idlaaya koobka Euro 2016 ka oo waqtigan kasocda dalka France.