Home » Ciyaaraha » Mishiinka reer Germany Bastian Schweinsteiger oo doonayo inuu mustaqbalkiisa Man kala hadlo Jose

Mishiinka reer Germany Bastian Schweinsteiger oo doonayo inuu mustaqbalkiisa Man kala hadlo Jose
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 15-06-16 6:41 PM

Tababaraha xulka Germany Joachim Low ayaa daaha ka qaaday inuu Bastian Schweinsteiger mustaqbalkiisa Manchester United kala hadli doono tababare Jose Mourinho ka dib dhammaadka ciyaaraha Euro 2016.

31 sanno jirkaan ayaa hal xilli ciyaareed ku qarash gareeyey kooxda ka dhisan Old Trafford, balse dhaawacyo ayaa hareeyey xilli ciyaareedkaas oo uu ka hoos shaqeeyey tababarihii hore ee kooxda Louis van Gaal.

Waxaa jira warar soo baxayey oo soo jeedinayey inuu Mourinho doonayo inuu Man United ka diro xiddigaan ku guuleystay Koobka Adduunka xagaagaan, laakiin Low ayaa caddeeyey inuu xiddiga qadka dhexe ka xasilan yahay xaaladda mustaqbalkiisa isla markaana uu doonayo inuu la fariisto Special One si go’aan looga gaaro mustaqbalkiisa.

“Bastian iyo anigu fikradeheenna ayaan wadaagnay waxaana ka hadalnay dhowr arrimood maalmihii lasoo dhaafay laakiin waxaan si aad ah uga hadalnay booskiisa iyo taam ahaanshiyihiisa,” Low ayaa sidaasi u sheegay majaladda Manchester Evening News. “Halkaan loogama hadlo arrimaha suuqa kala iibsiga.

“Waqtigaan la joogo arrinkaasi xiiso iguma hayo. Bastian waa uu u kala caddaan doonaa mustaqbalkiisu marka uu la kulmo tababarihiisa cusub ka dib dhammaadka European Championships. Aniga ahaan, wuxuu iila muuqdaa mid si aad ah uga xasilan mustaqbalkiisa.”

Schweinsteiger ayaa dib uga soo laabtay dhaawac jilibka ah oo uu muddo dheer garoomada uga maqnaa isagoo shabaqa soo taabtay kulankii uu xulkiisa Germany guusha 2-0 ah ka gaaray xulka Ukraine ee Axadii ka dhacay magaalada Lille kana tirsanaa ciyaaraha Euro 2016.