Home » Ciyaaraha » Miyaaad Ogtahay saxiixa ugu horeeya kooxda Barcelona ku dhawaaqeyso saacadaha soo aadan ??

Miyaaad Ogtahay saxiixa ugu horeeya kooxda Barcelona ku dhawaaqeyso saacadaha soo aadan ??
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 10-06-16 7:17 AM

Barcelona ayaa isku diyaarineysa inay kor u qaado dalabkeeda ay kusoo qaaadaneyso daafaca Las Palmas Mauricio Lemos, sida laga soo xigtay AS.

Kooxda heysata horyaalka La Liga ‘ayaa hore dalab € 4m oo lagu dari doono € 4m oo dheeri ah ka gudbisay daafaca reer Uruguay oo diidan inuu sii joogo kooxda Las Palmas.

Si kastaba ha ahaatee, Barca ayaa hadda diyaar waxay u yihiin in ay laba jibaaraan dalabkii hore  oo ay gaarsiiyaan € 8m oo lagu dari doono 4m € oo dheeraad oo ku xiran awooda Lemos sameeyo.

Las Palmas ayaa dooneysa ugu yaraan € 3m ama € 4m in ay ku darto qimahaan kooxda Barca haddii ay doonayaan in laga iibiyo daafaca Lemos oo msutaqbal fiican ku leh kubadda cagta.

Las Palmas ayaa ugu yaraan dooneysa € 10m haddii Barcelona ay qaadanayaan daaafacooda sida laga soo xigtayAS.