Home » Ciyaaraha » Miyuu Hazard seegi doonaa kulanka Wales iyo Belguim, sababtee ayuuse ku maqnaan doona haduu seego (Warbixin)

Miyuu Hazard seegi doonaa kulanka Wales iyo Belguim, sababtee ayuuse ku maqnaan doona haduu seego (Warbixin)
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 30-06-16 11:35 AM

Xulka dalka Belguim ka ayaa ku nool walwel ku aadan diyaar ahaanshiyaha weeraryahankooda Eden Hazard kahor kulanka ay berri (Jimco) ay wajahayaan dhigooda Wales kulan ka tirsan wareega 8 dhamaadka koobka Qaramada Yurub.

Ciyaaryahankan u ciyaara kooxda Blues ka ayaa la dhibaatoonayo dhaawac dhanka bowdada ah, waana dhaawac gelin kara halis saamixi karana inuusan kasoo muuqan Eden kulan dhimashada ee habeen dambe.

Macalinka xulka Belgium ka ayaa ka dhawaajiyey inuusan hubin weli xaalada Eden Hazard xilli uu seegay tababarkii saakay ay xulka dalkiisa isugu diyaarinayeen kulankooda, balse waxaa la filayaa in wax waliba la go’aamiyo gelinka dambe ee galabta marka ay si wada jir ah Lille shir jaraa’id ugu soo wada muuqdaan macalinka xulka Belguim ka iyo Eden Hazard.

Saxaafada ayaase qabta hadal ka duwan midkaas iyada oo cadeysay in hadii uu kabtanka xulka Belguim ka kasoo muuqda kulanka berri ay suurta gal noqon karto inuu seego kulanka wareega afar dhamaadka waa hadii ay usoo gudbaan Belgians ka.