Home » Ciyaaraha » Miyuu Kabtanka Xulka England Wayne Rooney Ka Fariisan Doonaa Ciyaaraha Caalamiga Ah Ka Dib Guuldarradii Iceland?

Miyuu Kabtanka Xulka England Wayne Rooney Ka Fariisan Doonaa Ciyaaraha Caalamiga Ah Ka Dib Guuldarradii Iceland?
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 28-06-16 6:54 AM

Kabtan Wayne Rooney ayaa ku adkeysanaya in uusan ka fariisan doonin ciyaaraha heerka qaran ee dalkiisa England, inkastoo ay xaqiiqdu tahay inay Three Lions si liidatay uga soo hartay tartanka Euro 2016 ka dib markii ay guuldarro 2-1 kala kulantay xulka Iceland ciyaartoodii wareega 16ka ee tartankaan.

Guuldarradaas ka dib tababare Roy Hodgson ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilka tababarenimo ee England, iscasilaaddiisa ayaana yimid daqiiqado ka dib markii la yeeriyey seerigii ugu dambeeyey ee ciyaartaan.

Laakiin Rooney oo la bedelay dhammaadkii ciyaartaan isagoo soo bandhigay qaab ciyaareed aad u liitatay, wuxuu sheegay in uusan qorsheyneyn inuu ka fariisto ciyaaraha caalamiga ee xulkiisa, wuxuuna sheegay inuu ka niyadjabsan yahay inuu xilkaan ka degay Hodgson.

“Waa habeen niyadjab leh, laakiin waan ku riyaaqaa isla markaana sharaf ayey ii tahay inaan u ciyaaro England,” ayuu saxaafadda u sheegay. “Waxaan xiiso u qabaa inaan arki shaqsiga xigga ee noqon doona tababaraha xulka. Haddii lasoo doorto shaqsigaas aniguna diyaar ayaan u noqon doonaa u ciyaarista dalkeyga.”

Rooney ayaa sidoo kale muujiyey sida uu uga murugsan yahay bixitaankii Hodgson ka dib markii uu ku guuldarreystay inay wiilashiisu wacdaro ka dhigaan tartan weyn oo kale ka dib wixii kula soo dhacay Koobkii Adduunka Brazil laba sanno ka hor.

“Ma iloobi karno inuu soo dallacsiiyey ciyaartooy dhallinyaro ah waxaana u maleynayaa inuu dhalaalayo mustaqbalka xulka England haatan. Nasiib xumo ayeyse ahaayeen wixii ka dhacay tartankaan laakiin waxaan u rajo weynahay inaan shaqo wanaagsan qaban doono mustaqbalka dhow.”