Home » Ciyaaraha » “Miyuu Pep Dood Ka Qabaa £ 49m Raheem? Xiddiga Miyuu ka Diri Doonaa Kooxda? Maxaadse Ka Ogow Tahay In Sterling Taleefan ka helay tababaraha cusub ee Manchester City

“Miyuu Pep Dood Ka Qabaa £ 49m Raheem? Xiddiga Miyuu ka Diri Doonaa Kooxda? Maxaadse Ka Ogow Tahay In Sterling Taleefan ka helay tababaraha cusub ee Manchester City
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 25-06-16 7:14 AM

Raheem Sterling ayaa helay taleefoon kalsooni leh oo kasoo gaaray Tababaraha cusub ee kooxda Manchester City Pep Guardiola.

Macalinka Spain ayaa la gariiray Sterling qaab ciyaareedka uu ka sameeyay ciyaaraha caalamiga ah, markii uu u ciyaarayay xulka England , waxaana uu ku daray qorshihiisa kulanka bisha soosocta uu ku wajihi doono kooxda Chelsea.

Ilo ku dhow xiddiga garabka ka ciyaara ayaa yiri: “Pep wuxuu u sheegay in ilaa iyo inta uu arkay la dhacay qaab ciyaaareedka xiddiga, way adag inuu u dagaalami doono booskiisa,

“Waxa uu u sheegay Raheem in uusan welwelin, Waxa uu ogyahay in uu yahay ciyaaryahan aad u fiican oo qayb weyn ka ah qorshayaasha Manchester City.”

Sterling ayaa ku dhamaystay kursiga keydka ee City, waxaana ay taasi keentay in uu kalsooni ka helo macalinka England oo usoo xushay kulamada Euro 2016.

Guardiola ayaa diyaar u ah inuu saacido 21-sano jirkaan, khadka dhaxe ee garabka ku wanaagsan.

Sterling, oo ugu biiray kooxda City £ 49million, ayaa kusoo bilaaban doona kulanka wareega 16-ka xulkiisa wajihi doonaan xulka Iceland, laakiin dhanka kale waxa uu noqon karaa mid kulankiisii ugu horeeyay farsiita kursiga keydka.

Guardiola ayaa muddo badan xiiseynayay Sterling  waayihii uu kusugnaa kooxda Liverpool waxaana dalabkii ugu dambeeyay uu ka gudbiyay bishii July.