Home » Ciyaaraha » Mohamed Ali oo isbitaal la dhigay!

Mohamed Ali oo isbitaal la dhigay!
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 3-06-16 2:52 AM

Afhayeen u hadlay feeryahanka caanka ah ee Muhammad Ali ayaa sheegay in feeryahankii miisaanka culus isbitaal loo dhigay caabuq la xiriira habdhiska neef mareenka.

Afhayeen Bob Gunnell ayaa haatan sheegay in Ali ay dhakhaatiirtu u daaweeynayaan qaab ka hortag oo kale ah, wuxuuna sheegay in 74-jirkani uu muddo gaaban uun joogi dooni isbitaalka.

Wuxuuse ka gaabsaday inuu sheego goorta iyo goobta lagu daweeynayo Ali oo sanado la hardamayay cudurka lalleemada ama Parkinson.

Xigasho: Wakaaladda wararka AP

b