Home » Ciyaaraha » Morgan Schneiderlin oo lagu daray safka France u matalata Euro 2016

Morgan Schneiderlin oo lagu daray safka France u matalata Euro 2016
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 1-06-16 7:27 AM

Laacibka khadka dhexe ee Morgan Schneiderlin ayaa lagu biiriyey xulka Frannce ee ka qeyb galaya Euro 2016 kaddib markii dhaawac laaga saaray Lassana Diarra.

Diarra waxaa soo gaaray dhaawac ruuga ah taas oo qasab tahay in Didier Deschamps uu jaleeco Schneiderlin si uu badalkiisa u noqdo.

Markii hore Schneiderlin waxaa lagu saaray olole xumo ku soo food saartay Manchester United laakiin waxa uu hada waqti dambe helay fursad sida Adil Rami iyo Samuel Umtiti.

Labada daafac waxaa soo xushay Deschamps kaddib markii ay dhaawacmeen Raphael Varane iyo Jeremy Mathieu.

France oo loo saadaalinayo hanashada tartanka waxa ay kulanka ugu horeeya la dheeli doontaa Romania 10-ka bisha Juun.