Home » Ciyaaraha » Mourinho Oo Phil Jones Ku Casuumay Kulan Ay Isugu Yimaadaan , Tallow maxaa lagu hadli doona

Mourinho Oo Phil Jones Ku Casuumay Kulan Ay Isugu Yimaadaan , Tallow maxaa lagu hadli doona
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 14-06-16 10:48 AM

Tababare Mourinho ayaa isu diyaarinaya kulan uu la qaato daafaciisa Phill Jones si ay uga wada hadlaan arimo ku aadan mustaqbalkiisa kooxda United ee waqtiyada soo socda.

Phil Jones ayaa United u saxiiay sandkii hore hishiis 4 sanno ahaa balse dhaawaciisa oo soo noq noqday ayaa keenay in laacibka ku fashilmo in uu muujiyo awoodihiisa ciyaareed

Shabakadda Goal.com ayaa sheegeysa in Jose uu Phil Jones ku casuumay in ay wada yeeshaan kulan ka hor inta uusan bilaaban xilli ciyaareedka dambe

Waxaa la filayaa sida Goal sheegeyso in Phil Jones uu sii joogo United inkastoo United la soo hishiiyeen daafacii Villa Real ee Eric Bertrand Bailly