Home » Ciyaaraha » Mustaqbalka Macalin Deigo Simeone waa sidee miyuu sii joogi donaa Kooxda Atletico

Mustaqbalka Macalin Deigo Simeone waa sidee miyuu sii joogi donaa Kooxda Atletico
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 15-06-16 7:43 AM

Taageerayaasha Atletico Madrid ayaa dib u qaadan kara hawo iyadoo ay neefta kasoo fuqday kadib markii la xaqiijiyay in macalin Diego Simeone uu baaqi ku sii ahaan doono garoonka Estadio Vicente Calderon.

Macalinka Argentine u dhashay ayaa albaabada u furay kooxaha xiiseynaya kadib guuldaradii kasoo gaartay kooxda Real Madrid kulankii Champions League bishii May, isagoo markaasi sheegay inuu ka fakarayo mustaqbalkiisa.

 

“Waxaan ku shaqeynayaa Buenos Aires”, ayuu u qormayay Tweet uu soo qoray Simeone oo ku sugnaa magaaladii uu ku dhashay ee Argentina, isagoo sidaasi ku tirtiray dhamaan shkiyadii laga muujinayay mustaqbalkkiisa Rojiblancos waxaana la socday sawir cadeynaya mushquulkiisa waxaana la sawrinaa milkiilaha Atletico Miguel Angel Gil Marin iyo agaasimaha farsamada Andrea Berta.

 

 

Atletico  ayaa rajeyneysa iney ka sare marto kaalinta sadexaad oo ay ku dhameysatay xili ciyaareedkii hore iyadoo si weyn loola xiriirinayo ciyaariyahankoodii hore ee Diego Costa.