Home » Ciyaaraha » Muxuu Eden Hazard ka yiri baadi goobka ay kooxdiisa ugu jirto saxiixa weeraryahan Romeu Lukaku

Muxuu Eden Hazard ka yiri baadi goobka ay kooxdiisa ugu jirto saxiixa weeraryahan Romeu Lukaku
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 21-06-16 2:41 PM

Weeraryahanka kooxda Everton Lukaku ayaa isaga dhaqaajiyey garoonka Stamford Bridge sanadkii 2014, Everton ayaana ciyaaryahanka ku iibsatay £28million.

Bandhiga uu ka sameeyey Garoonka Godison Park darteeda waxaa ay keentay inay soo dalbadaan kooxo badan oo la dhacay ciyaaryaahnkaan qaab ciaareedkiisa sida, Paris Saint-Germain Manchester United iyo Chelsea.

Macalinka cusub ee kooxda Everton Ronald Koeman ayaa waxaa uu sheegay xilli uu l hadlay todobaadkaan saxaafada shirkiisa koowaad inay aad u daneeyndoonan in ciyaaryahanka ay ilaashtaan.

Lukaku ayaa hada kamid ah xidigaha Belgium ee ka qeeyb gelayaan tartanka Euro ee 2016, waxaa tartanka kula jiro Hazard oo hada ka tirsan Chelsea.

”Ma aqaan , mana doonayo inaan ka hadlo arimahaasi ,” ayuu yiri Hazard.

”Laakiin Lukaku waa xidig dhameeystiran , waa ciyaaryahan cajiib ah , sidoo kale waa saaxiib fiican.

”Mar waliba waa ciyaaryahan cajiib ah, waxaana uu heeystaa wadadii uu ku noqon lahaa xidig weeyn.