Home » Ciyaaraha » Nani oo qiime jaban lagu heli karo xagaagan

Nani oo qiime jaban lagu heli karo xagaagan
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 24-06-16 6:35 AM

Laacibka u dhashay Portugal ayaa la soo warinayaa in uu Fenerbahce xagaaga uga tagi doono aduun dhan £6.5m.

29 jirka oo laba gool ka dhaliyey Euro-ga ayaa xagaagii tagay Fenerbahce uga yimi Manchester United waxa uuna u saxiixay 12 gool 46 jeer oo uu matalay.

Tiro kooxaha ayaa xiiseenaya sida Everton, Valencia iyo Inter Milan, Daily Mail waxa ay qabtaa in uu midkood ku biiri doono xagaaga.

Sidoo kale United ayaa dooneysaa in ay din u hesho xiddigeedii hore.

Nani waxa uu Red Devils ku sugna 2007 ilaa iyo 2015.