Home » Ciyaaraha » Nasiib Darada Wales!! Ramsey & Ben Davies Oo Seegi Doona Kulanka Portugal Ee Semi Finalka Euro 2016

Nasiib Darada Wales!! Ramsey & Ben Davies Oo Seegi Doona Kulanka Portugal Ee Semi Finalka Euro 2016
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 2-07-16 12:30 PM

Kubad sameeyaha Arsenal Aaron Ramsey iyo Daafaca dambe ee Tottenham Hotspur Ben Davies ayaa seegi doona kulanka Semi Finalka Euro 2016 oo ay Wales la ciyaari doonto Portugal kadib markii ay jaalayaashii labaad gudoomeen kulankii ay guusha weyn ka heleen Belgiumka xalayto.

Maqnaashaha Aaron Ramsey waa u dhibaato xulka Wales madama 25-jirkaan heerka caalami uu ahaa mid ka mid ah xidigaha ugu firfircoon tartank 4-caawinaad ayuu sameeyay intuu tartanka socday waana mid ka mid ah xidgiaha ugu caawinta badan tartanka iyadoo ay xusid mudan tahay in kulankii Belgium uu laba caawinaad sameeyay.

Cris Coleman ayaa laga sugi doonaa ciyaartoyda uu u doorto iney buuxiyaan boosaska labaad ciyaariyahan ee muhiimka ah iyadoo Ben Davies uu yahay xiddiga ugu badan ee kubado isku dhigay xulka Wales.

Dhanka kale Portugal iyana waxey weyneysaa burburiyaheeda William Carvalho kaas oo jaalihiisii labaad qaatay kulankii Poland markii uu qalad ka galay Grzegorz Krychowiak.