Home » Ciyaaraha » NATIIJOOYINKA; Euro 2016 Wales Oo Guul Ciriiri Ah Ka Gaartey Slovakia, Xili Uu Bale Buliyoon Yaab Leh Uu Dhaliyey!!

NATIIJOOYINKA; Euro 2016 Wales Oo Guul Ciriiri Ah Ka Gaartey Slovakia, Xili Uu Bale Buliyoon Yaab Leh Uu Dhaliyey!!
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 12-06-16 6:03 AM

Ciyaar aad u xiisa badneyd ayaa Caawa fiidkii waxaa isku arkey xulalka Wales iyo sidoo kale Slovakia waxaana uu ku tirsanaa kulan ku tirsan Euro 2016-ka heerkiisa Group-yadda.

Hal Robson-Kanu aya dhaliyay goolkii guusha ee Wales oo 2-1 ku garaacay Slovakia kulankii ugu horeyay ee European Championship.

Ninka bedelka kusoo galay ee ayaa beeeniyay gool barbaro ah oo uu u dhaliyay Slovakia Ondrej Duda (60) daqiiqo kasoo uu ku kansalay gool qeybtii hore ee ciyaarta laad xor ah uu ku dhaliyay Gareth Bale.

Wales ayaa gaaray guushaan markii ugu horeysay oo ay tartan rasmi ah ciyaaraan tan iyo koobkii adduunka ee 1958 waxaana hada hogaanka ay u qabteen Group B oo kulanka xiga caawa ay kuwada balansan yihiin England Russia.

Macalin Chris Coleman ayaa dhaawac ciyaarta ka hor uu ka soo gaaray goolhayaha dooqa koowaad ee Wayne Hennessey swaxaana kuso bilaawday 22-sano jirka Liverpool Danny Ward oo dadaal badan sameyay.

Slovakia xiddigeeda Marek Hamsik ayaa muujiyay xirfad la yaab leh isagoo kubad uu kala soo orday meel 30 yards goolka ujirta si dirqi ah loofa badbaadiyay.