Home » Ciyaaraha » “Niyad jabkii xalay kuma xirna Khibrad,” Xiddigii xalay laadka xorta u dhaliyay England ee Eric Dier

“Niyad jabkii xalay kuma xirna Khibrad,” Xiddigii xalay laadka xorta u dhaliyay England ee Eric Dier
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 12-06-16 7:15 AM

Eric Dier oo ka mid ahaa xiddgaha da’yarta xulka England ee xalay bar-baraha la galay xulka Ruushka kulankoodii furitaanka Euro 2016 ayaa sheegay in niyad jabkaasi soo gaaray aysan ku xirnayn khibrad.

Dier ayaa hogaanka u dhiibay xulkiisa qeybtii labaad ee ciyaarta waliba 20-ka daqiiqo ee dambe waxuuna u muuqday xulka England inuu gaaray guushiisii ugu horreysay ee kulan furitaan Euro ah balse waxaa ka diiday daafac xulka Ruushka Vasili Berezutski oo goolka bar-baraha ka dhaliyay daqiiqadii 92-aad ee ciyaarta.
“Waan niyad jabnay maxaa yeelay si fiican ayaan u ciyaarnay ciyaarta oo idil,” 22-jirka koox Tottenham ayaa sidaa yiri.

“Inaad iska bixiso guusha waa niyad jab.

eric1

“Ma ahan wax ku xiran khibrad, Sida fiican uma aynaan arag, laakiin ma aynaan guul darreysan, waa inaan ka soo kabanaa markale, dhanka fiican ayaan u qaadan karnaa.

“Heerka wuxuu ahaa mid aad u sarreeya, tii ugu fiicnayd aan ku lug lahaado England.

“Waxaan u maleynayaa inaan wax kasta sida saxda u sameynay, wax kasta waan heynay marka laga reebo inaan xakameyno dhammaadkii.”.