Home » Ciyaaraha » Pele: Neymar lama sinna Messi ama Ronaldo, ma eex mase Xaqiiq?

Pele: Neymar lama sinna Messi ama Ronaldo, ma eex mase Xaqiiq?
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 5-06-16 10:37 AM

Brazil laacibkooda adkaa Pele ayaa ku adkeystay in Neymar uusan la mid aheyn saaxiibkiisa Barcelona Lionel Messi ama Real Madrid diiqeeda Cristiano Ronaldo.

Neymar waxaa uu ka sameeyay Barcelona bandhig heer sare ah ha yeeshee lama meel dhigin ninka 5-ta mar heysta abaal marinta Ballon d’Or ee Messi iyo Luis Suarez oo uu hadda la shaqeeyo, markii uu ku jiray dhallinyarada Brazil bandhiggiisu heerka ayuuu gaarayaa lama wada aaminsaneyn.

Laacibkan oo 24-jir ah, dhaliyayna 31 gool xagaagii hore, ayaa ku dhameystay kaalinta 3-aad markii uu la tartamay Messi iyo Ronaldo abaal marinta Ballon d’Or codeynteeda, taasoo Barca ka caawinteedii 3 kooblaha uu ku muteystay 2014-15.

Pele – ayaa yiri waqti badan laguma lumin karo in la simo – Neymar iyo laacibiinta uu la tartamay ee Messi iyo Ronaldo, kuwaasi hadda waa Maqaawiirta iyo Muruq weynta Kubbadda Cagta.

“Waan garanayaa Neymar tan iyo carruurnimadiisii, waa ciyaartoy aad u wanaagsan balse lama simi karo labadaas nin,” Pele ayaa u sheegay Marca.