Home » Ciyaaraha » Pele” Waa hubaa in aad Wax badan ka fiicantahay Messi ee sii dadaal

Pele” Waa hubaa in aad Wax badan ka fiicantahay Messi ee sii dadaal
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 14-06-16 5:33 AM

Cayaaryahankii hore ee Xulka qaranka Braziil Pele ayaa u sheegay Cayaaryahanka Real Madrid iyo Xulka qaranka Portugal Cristiano Ronaldo in uu in badan ka fiicanyahay Cayaaryahanka Barcelona iyo Argentina Lionel Messi.

Pele oo 3 Jeer u qaaday dalkiisa koobka aduunka loona aqoonsanyahay in uu yahay Cayaaryaahnkii ugu fiicnaa dhamaan intii dheeshey ayaa waxa uu aaminsanyahay in Ronaldo Wax badan kaga Fiicanyahay Messi marka la dheelayo Kubada Cagta iyo dabeecad ahaan intaba waxaana uu kula dar daarmay in uu ku dadaalo sidii uu dalkiisa koob ugu qaadi lahaa.

Xidigii hore ee dalka Braziil ayaa Aaminsan in Messi uu yahay Cayaryaahnka labaad ee Caalmaka ugu fiican halka Neymar uu ku tilmaamay in uu yahay kan Saedexaad Xidigaha dunida ee hada dheela kubada Cagta.