Home » Ciyaaraha » Pep Guardiola Oo Doonaya In Uu Kooxda Ku Sii Hayo Daafac Kooxda Amaah Uga Maqnaa Waa Kuma

Pep Guardiola Oo Doonaya In Uu Kooxda Ku Sii Hayo Daafac Kooxda Amaah Uga Maqnaa Waa Kuma
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 4-06-16 7:46 AM

Tababaraha cusub ee kooxda Manchester city ee Pep Guardiola  ayaa doona in uu sii haysto daafaca xulka qaranka Belgium iyo kooxda Manchester city xilli ciyaareedka soo socda halkii ay amaah ku bixin lahaayeen sanad kale sida ay sheegayso ESPN.

Denayer ayaan wali kulankiisii ugu horeeyay u ciyaarin kooxda 1-aad ee manchester city Laakiin waxa lagu wadaa in uu ka qayb noqdo kooxda Guardiola ee xilli ciyaareedka cusub.

20 jirkan ayaa heshiis 5-sano ah u saxiixay kooxda Manchester city 12 bilood ka hor waxana uu imika qayb ka yahay ciyaaryahanda xulka qaranka Belguim u matalay koobka qaramada yurub.

Xiddigan ayaa laga yaabaa in uu ku soo bilowda ciyaarta uu xulka Belguim la ciyaarayo xulka Italy maadaama uu dhaawac ku maqanyahay kabtanka xulka ee Vincent Kompany.