Home » Ciyaaraha » Philippe Coutinho Oo Beeniyay In Uu Ka Tagayo Kooxda PSG

Philippe Coutinho Oo Beeniyay In Uu Ka Tagayo Kooxda PSG
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 10-06-16 7:27 AM

Kubad sameeyaha koxda Liverpool ee Philippe Coutinho ayaa jawaab kulul ka bixyay warar dhawaan suuqa qabsaday kaasi oo sheegayay in uu ka socdo kooxdaas xilli PSG iyo kooxo kale ay si weyn u baacsanayaan

Saxaafadda Ingiriiska ayaa dhankeeda qortay in Liverpool ay diideen daab ka yimid PSG kaasi oo lagu doonayay in Philippe Coutinho lagu helo xagaagaan.

Sidaas oo ay  tahay wargeyska Le Sport10 ee Franc ka soo baxa ayaa shegeya in PSG aysan ka quusan saxiixa wiilkaas reer Brazil ayna diyaarinayaan dalab kale oo gaaraya 46 milyan oo gini

Haatan laacibkaan qarankiisa kala qayb galaya Copa America ayaa beeniyay in uu doonayo in uu ku biiro kooxdaas PSG ama uu ka huleelo Liverpool