Home » Ciyaaraha » Qandaraaska uu Henrikh Mkhitaryan ugu wareegayo Manchester United iyo mushaarka uu ka qaadan doono Old Trafford

Qandaraaska uu Henrikh Mkhitaryan ugu wareegayo Manchester United iyo mushaarka uu ka qaadan doono Old Trafford
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 28-06-16 6:29 AM

Sida mudo maalmo ah la warinayey Manchester United waxa ay ku dhawdahay la soo saxiixashada khad dhexe cajiib ah Henrikh Mkhitaryan oo uga imanaya Borussia Dortmund.

Subixii isniinta, Sky Sports waxa ay xaqiijisay in Manchester United iyo Borussia Dortmund ay ka heshiiyeen qiime £26.3 million oo ay kala siisan doonaan kubad sameyaha reer Armenia.

Sidoo kale Majalada ka soo baxda Germany ee Kicker waxa ay iyana qortay in xiddigaha iibintiisa la dhameyn doono toddobaadkan.

Sidoo kale isla jariirada ka soo baxda Germany ee Ruhr Nachrichten ayaa daaha ka rogtay qandaraska uu Mkhitaryan ugu biirayo United iyo mushaarka uu ka qaadan doono.

Laacibka waxa uu saxiixi doonaa heshiis afar sano ah oo uu xilli ciyaareedkii jeebka ku gashan doono 12 million euros.

Taas waxa ay ka dhigi doontaa Mkhitaryan mid ka mida ciyaaryahanada ugu mushaarka badan Manchester United.