Home » Ciyaaraha » Qaranka Talyaaniga oo gordhaw shaaca ka qaaday Macalinkooda Cusub

Qaranka Talyaaniga oo gordhaw shaaca ka qaaday Macalinkooda Cusub
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 7-06-16 7:34 PM

Xiriirka kubada Cagta dalka Talyaaniga ayaa Goordhow waxa ay ku dhawaaqeen Macalin Cusub oo uu yeelan doono Xulka qaranka Talyaaniga Gaar ahaan Marka uu dhmaado koobka yurub 2016.

Italian Football Federation oo loo soo Gaabiyo (FIGC) ayaa Cadeeyey in Macalinkii hore ee kooxda Torino Giampiero Ventura uu noqon doono Macalinka badali doona Antonio Conte kaas oo Marka uu dhamaado koobka yurub u Wareegi doona Naadiga Chelsea oo uu lagalay heshiis 3 Sano ah.

Giampiero Ventura oo ah 68 jir ayaa lawareegi doona Xulka qaranka Talyaaniga waxaana uu ahaan doonaa 3 da Sano ee soo scota waana Macalin Talyaani ah oo Rug Cadaa in badan ku soo dhex jirey kubada Cagta ah laakiin aan Samayn Magac weyn.