Home » Ciyaaraha » Qorshaha Manchester United ee suuqa kala iibsiga -Joao Mario oo £45 milyan kaga soo dhaqaaqaya Sporting Lisbon

Qorshaha Manchester United ee suuqa kala iibsiga -Joao Mario oo £45 milyan kaga soo dhaqaaqaya Sporting Lisbon
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 18-06-16 7:03 PM

kooxda Sporting Lisbon ayaa u diyaar ah inay u soo bandhigto heshiis cusub Joao Mario si ay kaga ilaaliyaan inuu ku biiro Manchester United oo aad u xiiseyneysa.

Starsport ayaa bishii hore shaaca ka qaaday in Red Devils ay ku dhowdahay inay heshiis £45 milyan ay kula soo wareegaan xiddiga heerka caalami ee dalka Portugal.

madaxda Old Trafford ayaa wada hadal kula jiray Joao Mario iyo wakiiladiisa iyagoo ku kalsoon in heshiis la gaaari karaaan.

Joao Mario ayaa lagu burburin karaa qandaraaskiisa £45 milyan ,United ayaa dooneysa in ay isaga mushaar ahaaan u siiyaan lacag dhan £ 140,000-isbuucii.

Sida laga soo xigtay wargeyska reer Portugal A Bola, kooxda caasimada ka dhisan ayaa diyaar waxay u yihiin in heshiiska ay u kordhiyaan xiddigan islamarkaana la gaarsiiyo ilaa 2021.

Waxay diyaar u yihiin inay sugaan ilaa iyo inta wajiibka dalkiisa Portugal oo ka qeyb galaya  Euro 2016 kasoo dhamanayo,