Home » Ciyaaraha » Radja Nainggolan oo hadal u wanaagsan dhagaha labada kooxood ee AS ROma iyo Chelsea ka dhawaajiyey.

Radja Nainggolan oo hadal u wanaagsan dhagaha labada kooxood ee AS ROma iyo Chelsea ka dhawaajiyey.
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 8-06-16 1:21 PM

Radja Nainggolan ayaa ka dhawaajiyey inuu dhageysan doono dalabka ugu imaanayo kooxda Chelsea, wallow uu jecel yahay kooxda haatan uu u ciyaaro ee AS Roma.

Xidigan u dhashay dalka Belaguim ka ayaa ka dhawaajiyey in kooxda ka ciyaarta horyaalka Ingiriiska ay lasoo xiriirtay dhigeeda Serie A da iyada oo weydiisatay suurtagalnimada uu Nainggolan u aadi lahaa Premier League.

Macalinka dhawaan la wareegi doono shaqada kooxda Chelsea Antonio Conte ayaa la aminsan yahay inuu la dhacsan yahay qaab ciyaareedka Nainggolan xilli uu sedexdii xilli ciyaareed ee uu leylinayey Juve doonayey saxiixa xidigan.

28 Sano jirkan ayey macquul tahay inuusan kasoo hayaamin gegida Olympico wallow uu aminsan yahay dalab ay koox sida Chelsea oo kale aan la iska indho tiri karin.

“Waxa aan heystaa meel aan kusoo bilaabanayo kulan waliba. waan ku faraxsanahay la joogitaanka kooxda Roma” La Gazzetta dello Sport ayaa sidaas kasoo xigatay Nainggolan.

“Dhanka kale dalab kaaga yimid koox sida Chelsea oo kale ah waa dalab aad u weyn oo aan laga jeesan karin, wan dhahay wixii ila haboonaa inaan dhaho, waxaan sugaba waa kooxda go’aankeeda” Radja ayaa sidaas hadalkiisa kusoo afmeeray.

Ugu dambeyntii waxaa xusid mudan in ciyaaryahanka u dhashay dalka Belguim ka uu kaga soo biiray kooxda As Roma dhankaa iyo kooxda Cagliari xagaagii 2014 ka.