Home » Ciyaaraha » Raiola Oo Ka Hadlay Halka Uu Marayo Wadaxaajoodka Uu Xiddigaani Henrikh Mkhitaryan Kula Biirayo Manchester.

Raiola Oo Ka Hadlay Halka Uu Marayo Wadaxaajoodka Uu Xiddigaani Henrikh Mkhitaryan Kula Biirayo Manchester.
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 20-06-16 1:17 PM

Wakiilka kubadsameeye Henrikh Mkhitaryan ninka lagu magacaabo Mino Raiola ayaa kalsooni ku qaba in xiddiga qadka dhexe ee Borussia Dortmund uu xagaagaan ku biiri doono kooxd Manchester United.

Qandaraaska uu xiddiga heerka caalami ee dalka Armenia kula jiro Borussia Dortmund ayaa dhacaya xagaaga soo aadan, xiddigaan ayaana diiday inuu qandaraaska u kordhiyo kooxdiisa inkastoo camaaliqada ka ciyaarta horyaalka Bundesliga ay ku adkeysaneyso in aysan iibin doonin xagaagaan.

Balse wakiilkiisa Raiola, oo hore u xaqiijiyey inuu Mkhitaryan doorbidayo inuu ku biiro Man United, ayaa daaha ka qaaday inay wadahadallo weli u socdaan labada dhinac.

“Dembi ayey noqon doontaa haddii aan joojino wadahadallada aan kula jirno Borussia Dortmund,” ayuu Raiola u sheegay BBC Sport.

“Markasta waxaan ahay shaqsi wanaaga jecel. Haddii aanan kalsooni ku qabin inaan heshiis la gaari karo Borussia Dortmund nuuc kastaba ha ahaadee, markaas iskuma aanan deyi laheyn inaan wadaxaajood la galo.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay inay xiddigaan dooneyso Manchester United, wadaxaajoodka aan kula jirno Man United meel wanaagsan ayuu inoo marayaa, laakiin waqtigaan la joogo Borussia Dortmund waxay weli ku adkeysaneysaa in aysan iibineyn Henrikh Mkhitaryan.”