Home » Ciyaaraha » Rasmi: Daaficii hore ee xulka Denmark iyo kooxda Reds ka Liverpool Daniel Agger oo ciyaaraha ka fariistay

Rasmi: Daaficii hore ee xulka Denmark iyo kooxda Reds ka Liverpool Daniel Agger oo ciyaaraha ka fariistay
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 9-06-16 2:07 PM

Daniel Agger ayaa bartiisa Twitter-ka waxaa uu ku xaqiijiyey inuu gabi ahaanba isaga fariistay klubada cagta.

Daafcaan ayaa Liverpool kulan guuleestay League Cup sanadii 2012, laakiinse waa uu ka dhaqaajiyey kooxda markii uu Rodgers 2014 kalsooniad kala laabtay.

”Waad ku mahadsantihiin taageeridiina,” ayuu bartiisa Tiwitterka kusoo qaray ciyaaryahanka Agger.

”Waa khibrad weeyn, waa murugo , laakiin waa go’aan saxan inaan joojiyo kubada cagta, waxaana ku faanayaa shaqadii aan soo qabtay.

Taariikhdiisa Kubadeed Oo Kooban.

Daniel Agger ayaa kusoo bilaabay xirfadiisa kubada cagta kooxda yar ee lagu magacaabo Brondby taasi oo ka dhisan Denmark.

Balse , sanadii 2006 ciyaaryahanka ayaa usoo dhaqaaqay Liverpool kadib markii uu soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah.

Daafcaan dhiri ahaan lagu qiyaasay 6ft 3in ayaa Liverpool kusoo qaadatay lacag dhan £6million, wuxuuna Liverpool ku qarash gareeyey sagaal xilli ciyaareed.

Ciyaaryahankaan ayaa sanadkii ama xilli ciyaareedkii ugu dambeeyey ee Anfield saftay 23 kulan, ka hor inta uusan ku laaban kooxda west Copenhagen , waxaana kaliya lagu qaatay £3m deal.

Dhanka kale ciyaaryahankaa ayaa wadankiisa i saftay 75 kulan , waxaana kulankii ugu dambeeyey ee wadankiisa uu matali waxaa ay ahayd ciyaar saaxiibtinimo ay la dheeleen Scotland bishii March.