Home » Ciyaaraha » RASMI: Everton Oo Ku Dhawaaqday Inay Macalinka Reer Holland Ronald Koeman U Magacawday Tababareheeda Cusub

RASMI: Everton Oo Ku Dhawaaqday Inay Macalinka Reer Holland Ronald Koeman U Magacawday Tababareheeda Cusub
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 14-06-16 10:53 AM

Everton ayaa ku dhawaaqday inay Ronald Koeman u magacawday tababareheeda cusub isagoo qalinka ugu duugay qandaraas seddax sanno ah.

Tababaraha reer Holland ayaa ugu cadcadaa musharrixiinta u taagan xilkaan ka dib markii shaqadaan laga raacdeeyey Roberto Martinez Isbuucii ugu dambeeyey xilli ciyaareedka horyaalka England Premier League.

Koeman ayaa laba sanno kusoo qarash gareeyey kooxda Southampton, inkastoo ay kooxdiisu ku dhammeysatay shan boos iyadoo ka sarreysa Everton xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay, 53 sanno jirkaan ayaa la aamisan yahay inuu ku qancay inuu usoo wareego Toffees ka dib markii uu kulan la qaatay ninka leh saamiga ugu badan ee kooxdaan Farhad Moshiri, kaasoo la filayo inuu tababarahaan gacanta ka saaro lacag badan oo uu ku qarash gareeyo suuqa kala iibsiga xagaagaan.

Hase yeeshee, Isbuucyo ayey qaadatay inay heshiis isla meeldhigaan labada kooxood ee Everton iyo Southampton iyadoo ay labada dhinac isku khilaafsanaayeen lacagaha magdhawga ah, laakiin haatan Merseyside ayaa ku dhawaaqday inay halyeeyga usoo ciyaaray Barcelona u magacawday macalinkeeda cusub.