Home » Ciyaaraha » Rasmi: Hathem Ben Afra oo ku biiray kooxda ka dhisan caasimada dalka France ee Paris Saint-Germain

Rasmi: Hathem Ben Afra oo ku biiray kooxda ka dhisan caasimada dalka France ee Paris Saint-Germain
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 1-07-16 11:00 AM

Paris Saint Germain ayaa ku dhawaaqday iney lasoo saxiixatay garabka weerarka reer France Hatem Ben Arfa kaas oo kooxda ka dhisan magaalada Paris u saxiixay heshiis laba sanadood ah oo dhamaanaya 30-ka June 2018.

29-jirkaan heerka caalami ayaa xili ciyaareed qurux badan ku qaatay kooxda Nice tan iyo markii uu dib uga soo laabtay Newcastle United oo uu ku muuq beelay, 17-gool iyo 6-caawinaad ah ayuu sameeyay taasoo ka saaciday in loo doorto xidigii ugu fiicnaa Legue 1-ka xili ciyaareedka 2015/2016,

Si kastaba Paris Saint Germain ayaa si xor ah kula wareegtay xidigaan nasiibka u yeelan waayay inuu ka mid noqdo liiska xidigaha France ee ka qeyb galaya Euro 2016.

Hatem Ben Arfa shan jeer ayuu ku guuleystay horyaalka Faransiiska sidoo kalana 25-jeer ayuu Champions League-ga kasoo muuqday isagoo matalaya Lyon iyo Marseille.

“Inaan u saxiixo Paris Saint Germain waqti xaadirkaan sharaf ayey ii tahay” Ayuu yiri Hatem Ben Arfa, “Paris Saint Germain waa koox mar walba ii qaas ah, inaan xirto maaliyadeeda kuna ciyaaro Parc des Princess waa riyo aan ku haminayay tan iyo caruurnimadeydii. Sharaf ayey ii tahay in kooxda ay i siisay fursad ay riyadeyda ku rumowdo”

Dhanka kalana milkiilaha Paris Saint Germain Nasser Al-Khelaïfi ayaa isna yiri: “Aad baan ugu faraxsanahay inaan soo kooxdeena kusoo dhaweyno mid ka mid ah ciyaartoyda xirfadaha dabiiciga leh”