Home » Ciyaaraha » Rasmi: Juventus oo ku dhawaaqday in Alvaro Morata ku laabtay Real Madrid Maxaase Xigi doona?

Rasmi: Juventus oo ku dhawaaqday in Alvaro Morata ku laabtay Real Madrid Maxaase Xigi doona?
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 21-06-16 6:52 PM

Kooxda Kubada Cagta Juventus ayaa si rasmi ah u shaacisay in Weeraryahanka dalka Spain ee u dheelayey kooxdaas Alvaro Morata uu dib ugu laabtay kooxdii ay ka soo qaateen markii hore ee Real Madrid.

Maareeyaha Cayaaraha Juventus Giuseppe Marotta ayaa Cadeeyey Warkaan waxaana uu sheegay in Raaceen Heshiiskii ay ku soo qaateen Markii Hore ee ahaa in hadii Real Madrid ay u baahato Xidigaan ay Ceshan karto marka ay bixiso Lacag dulsaar ku noqoneysey Markasta oo uu sii joogo Juventus.

Real Madrid ayaa Bixisey Lacag dhan €30m oo u dhiganta (£23m) Lacagtaas oo ah mid ay Juventus u celisey Maadaama Sanadkii 2014 kii ay kaga iibisey Lacag dhan f €20 million inta kale ee dheeriga ah Waa lacgtii dulsaarka ay ku heshay Juventus isaga oo weliba laqaaday kooxdaan Horyaalo iyo koobab Muhiim ah.

Alvaro Morata oo hada Waxdaro ka dhigaya koobka yurub 2016 ayaa loo Malaynayaa in Real Madrid ka iibin doonto kooxaha dalka England oo Lacag aad u badan ku doon doonaya Waxaana ugu cad cad kooxaha doonaya Chelsea iyo Arsenal.