Home » Ciyaaraha » Rasmi: Juventus oo la soo Wareegtay Miralem Pjanic+Sawiro

Rasmi: Juventus oo la soo Wareegtay Miralem Pjanic+Sawiro
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 13-06-16 8:28 PM

Kooxda Kubada Cagta Juventus ee dalka Talyaaniga ayaa si rasmi ah ula soo Wareegtay Cayaaryahankii kooxda Roma ee Miralem Pjanic kaas oo ay kula soo Wareegtay Lacag dhan €32 million.

Miralem Pjanic oo ay doon doonayeen kooxo badan ee dalka England ah ayaa kama dambays waxa uu Juventus u Saxiixay heshiis 5 Sano ah oo uu ugu dheeli doono Naadiga difaacan doona Horyaalka Talyaaniga ee Juventus.

Cayaaryahakaan oo u dhashay dalka Bosnia-Herzegovina ayaa sheegay in uu isagu doortay in uu u dheelo Juventus halkii uu uga dheeli lahaa Kooxaha dalka England waxaa kaloo uu sheegay in uu Taageere u ahaan jirey Juventus yaraantiisii.

1 2 3