Home » Ciyaaraha » RASMI: Manchester City Oo Ku Dhawaaqday Saxiixa Xiddigii Kooxda Borussia Dortmund Ilkay Gundogan

RASMI: Manchester City Oo Ku Dhawaaqday Saxiixa Xiddigii Kooxda Borussia Dortmund Ilkay Gundogan
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 2-06-16 3:21 PM

Manchester City ayaa ku dhawaaqday saxiixa xiddigii qadka dhexe ee kooxda Borussia Dortmund Ilkay Gundogan kaasoo qalinka ugu duugay qandaraas afar sanno ah.

Gundogan ayaa noqday saxiixii ugu horreeyey ee ay sameyso Manchester City tan iyo markii uu xilka tababarenimo ee kooxda ka dhisan Etihad Stadium la wareegay Pep Guardiola.

25 sanno jirkaan qadka dhexe ayaa ka huleelay Dortmund ka dib markii uu 157 kulan u saftay kooxdaan oo uu kusoo biiray sannadkii 2011kii.

Gundogan, oo la hadlayey website-ka rasmiga ah ee Manchester City ka dib markii uu soo gabagabeeyey heshiiskii uu kula soo biirayey kooxda ka dhisan horyaalka England Premier League, ayaa yiri: “Waan ku faraxsanahay inaan usoo saxiixay Manchester City.

“Waxaan ka ballan qaadayaa taageereyaasha Man City inaan siin doono wax kasta oo aan uga caawin karo inay ku guuleystaan horyaalka England iyo midka Yurub. Sannadeheygii wacnaa ee xirfaddeyda waa ay iga horreeyaan mana sugi karo inaan bilowdo cutubka cusub ee xirfaddeyda kubadda cagta”.