Home » Ciyaaraha » RASMI: Manchester United Oo Dhameystirtay Saxiixa Daaficii Villarreal Eric Bailly.

RASMI: Manchester United Oo Dhameystirtay Saxiixa Daaficii Villarreal Eric Bailly.
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 8-06-16 12:56 PM

CkbWWv6UYAAWNjD

Naadiga  Manchester United ayaa xaqiijisay inay kooxda Villarreal kala soo wareegtay daafaca reer Ivory Coast Eri Bailly.

Daafacaan ayaa heshiis afar sannadood ah u saxiixay kooxda Red Devils isagoo qiyaar u leh inuu labo sanno kale oo dheeri ah ku darsado qandaraaskiisa.

Qandaraaska 22 jirkaan ayaa inuu dhaqangalo waxa ay ku xiran tahay inuu sharciga shaqada ee UK uu helo madaama uu ka soo jeedo wadan aan ku jirin wadamada midowga Yurub.

Eric Bailly ayaa shalayto si guul ah ku maray shalayto tijaabada caafimaadka, waxaana la sheegayaa inuu heshiis 30 milyan ginni ah uga soo wareegay kooxda reer Spain ee Villarreal, waxaana uu noqday saxiixii ugu horeysay ee tababare Jose Mourinho ee xagaaga.

Saxiixa cusub ee Manchester United ayaa kala hadlay website-ka kooxda sida uu ugu faraxsan yahay inuu u soo wareego Old Trafford.

“Waa riyo ii rumowday inaan ku biiro Manchester United. Inaan ka ciyaaro kubada cagta heerka ugu sareeya waa wax aan waligeey doonayay.

“Waxaan doonayaa inaan horumar u sameeyo sida ugu fiican, waan aaminsanahay in la shaqeynta Jose Mourinho inay uga caawin doonto inaan horumar sameeyo. Waxaan indhaha ku hayaa inaan la kulmo asxaabteyda cusub oo aan bilaabo cutubka cusub ee nolosheyda.”