Home » Ciyaaraha » Rasmi Southampton oo ku dhawaaqday in Claude Puel uu noqonayo macalinkooda cusub kadib katagistii Koemann

Rasmi Southampton oo ku dhawaaqday in Claude Puel uu noqonayo macalinkooda cusub kadib katagistii Koemann
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 30-06-16 1:42 PM

Kooxda Southampton ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in Claude Puel uu noqon doono tababaraha cusub ee kooxdooda kadib markii uu dhawaan tababarihii hore ee Ronald Koeman uu ku biiray kooxda Everton. Southampton ayaa kooxdeeda u magacawday tababarihii hore ee kooxaha Monaco, Lille iyo  Olympique Lyonnais ee Claude Puel.

Warka ay Southampton ku shaacisay magacaabista Claude Puel ayaa lagu yidhi: “Waxaanu ku faraxsanahay in aanu cadayno u magacaabista Claude Puel ee tababaraka kooxda kowaad ee Southampton”. Southampton ayaa farxad wayn ka muujisay in ay heshiis la gaadhay Claude Puel kaas oo kubbada cagta khibrad wayn u leh.